Khasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Xamarweyne.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay sii kordhayso Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay agagaarka xarunta ganacsiga Muqdisho Mool ee degmada Xamarweyne.

Dadka ku dhintay Qaraxaasi ayaa tiradooda gaareysa10 ruux sida ay xaqiijiyeen Isbitaallada iyo Kooxaha gurmadka deg dega ah ee iyagu haya xogta khasaarahaasi.

Sarkaal ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Col. Cabdinuur Axmed kadiye oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan 20 qof Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobta la qarxiyay ayaa aheyd meel Mashquul badan, waxaana Qaraxa uu ahaa gaari la dhigay goobta la dhigto baabuurta ee Muqdisho Mall.

Dhanka kale Isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana wali socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay.