Daawo Madaxweynaha Puntland oo Tacsi u diraayo dilkii Poul Anthony Farmosa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeyay dilka Maamulihii dekadda Boosaaso ee Shirkadda P&O Mr Poul Anthony Farmosa.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa amray laamaha kala duwan ee ciidanka Puntland meel walba oo ay joogaan in ay heegan galaan taas oo cadowga looga hortagayo, waxaana uu falkani ku tlmaamay mid argagixiso oo lagu waxyeelaynayo sharafta shacabka Puntland iyo dowladdoodaba.

FAAFIN DEG DEG AH, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeyay dilka Maamulihii…

Posted by Dalmar Media on Monday, February 4, 2019