Yaa Siray Madaxweeynaha?

Madaxweeynaha ayaa Kormeer ku tagay Suuqa Kaluunka ee Degmada Cabdicaziz- Xamar. Kawaanka waxa hor taagnaa, Xubno ah Ururka Haweenka oo ciyaarayay Ciyaaraha dhaqanka, Dadweynaha xaafadda iyo Maamulka Degmada. Gabar yar oo ka mid ah Ubaxa degmada ayaa Madaxweeynaha Ubax Qoorta u surtay waxa uuna galay Kawaankii.( F.S: 1aad)

Kawaanku Maalintaa waxa uu ahaa mid sidii hore ka bedelan oo aad nadiif u ahaa, si heer sare ahna loo maareeyay howlaha ka dhax socday, Madaxweeynihii ayaa markii uu gudaha galay la sheekeeystay Nin kawaanle ah oo iibiya Hilibka Malaayga. ( F.S: 2aad)

Madaxweeynihii: Hilibku waa quruxan yahay,waana badan yahay, ka waran iibsiga Malaayga?

Kawaanle: Aad iyo aad ayuu u fiican yahay, waxaana wax naga gato Shacabka iyo Hoteelada, laakin Maanta Xatta 1 kg oo Hilib la igama iibsan.

Madaxweeynihii: Sabab?

Kawaanle: Booqashadaada darteed Qof aan loogu talagalin looma ogolaan in ey soo gasho Suuqa.

Madaxweeynihii: Anniga ayaa kaa gadanayo 6 kg hadda ii jar.

Kawaanlihii: Kuuma jari karo Mudane madaxweeyne.

Madaxweeynihii: Lacag ayaan ku siinaya waan kaa gadanayaa, waa maxaay Sababtu?

Kawaanle: Md. Madaxweeyne, Booqashadaada darteed, Midiyihii oo dhan waa nalaga qaaday,wax aan kuu jarana ma hayo.

Madaxweeynihii: Middi la’aan iga iibi , Malaaygaa meesha yaal adiga oo aan jar jarin iga wada iibi Lacagna iga qaado.

Kawaanlihii: kaama iibin karo , Md. Madaxweyne.

Madaxweeynihii: Sabab, maxaadan iiga iibin Karin?

Kawaanlihii: Md. Madaxweeyne, ma ihi Kawaanle, waxaan ahay Asgari, loo labisay Dharkii kawaanlaha.

Madaxweeynihii: oo xanaaqsan, iigu yeer Taliyahaaga.

Kawaanle-Asgari: Waa kaa qeybta naga soo hor jeedo Kaluunka ku Iibinayo. ( F.S: 3aad)

Madaxweynihii oo careeysan ayaa waxa arrinta u sharxay, dhalin yaro mataleysa odayaashii xaafadda oo kala ahaa: Ugaas Ciise Maxamud iyo Caaqil Jacfar maxamed. ( F.S: 4 & 5aad)

Xusuuso, Siddii aan u sireeynay Madaxdeena, ayaan bilaawnay in kuwa Caalamkana aan sirno, mar dhaw Nin madax ah oo Dalka booqashu ku imaanayay, ayaa Dowladda Hoose ee Xamar waxa ey bilaawday in Habeen barkii la dhaqo wadada Maka al Mukarama halka uu soo marayo wafdgu. ( F.S: 6aad). Horena waa loo heli karay kharaj Maalin kasta shacabka loogu nadiifiyo Magaalada. Ogoow: Qeeybaha kale ee wasaaradaha & Maamulka Dowliga ihi waa siraan madaxda, eedana waxaa isku tuur tuuro Madaxda & Shacabka.

Talo:

Madaxweeyne haddii wax kaa khaldamaan,shacabka ha eedeeyn,dhinacyadaada fiiri, kaama dheero cilladdu. hadaadan raali ka aheyn.

Kuwa Madaxda u dhaw, ha ku fekerin in aad Madaxda ka farxiso oo kaliya, ee ka feker in aad Runta u sheegto.

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax.

Qore: Yahya Amir