Shacabka Muqdisho oo bilaabay furista Waddo Muddo xirneyd

Qaar ka mid ah Shacabka degan hareeraha Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa bilaabay dayactirka wado muddo xirnayd, kadib markii uu ka gaabiyay Maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaanan tixgalin Cabashadda Shacabkaan Muddo bilooyin ah, waxaana dadka ay bilaabeen in ay Wadadaasi ay ka qaadaan qashin iyo biyo fadhiyay bilooyinkii ugu dambeeyay.