Maxkamad ku taala Talyaaniga oo xabsi daa’in ku xukuntay wiil Soomaali ah (Daawo sida loo qabtay)

Maxkamad ku taala magaalada Milano ee wadanka Talyaaniga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay wiil Soomaali ah kaddib markii Booliska Karabiyeerka dalkaasi ay ka soo qabteen guri uu ku dhuumaaleysanayay.

Ninkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Maxamuud Cusmaan da’diisuna tahay 22-jir lehna xaas iyo gabar 3-jir ah oo uu dhalay ayaa lagu soo eedeeyay inuu geystay falal isugu jira kufsi, Dil iyo inuu la shaqeeyo magefayaasha dalka Liibiya.

Dacwadda lagu soo oogay ayuu sheegay Maxamuud Cusmaan inaysan waxba ka jirin marka laga reebo la shaqeynta Magefayaasha Talyaaniga u tahriibiya kana soo qaada dalkaasi Liibiya, hase yeeshee dacwad oogayaasha Talyaaniga ayaa maxkamadda hor dhigay caddeymo ku saabsan dembiga loo heysto.

Xeer ilaaliyeyaasha Maxkamadda Milano ayaa qalinka ku duugay in Maxamed Cusmaan lagu xukumo xabsi daa’in oo dalkaasi Talyaaniga ku eg muddo 28 sano iyo 6-bilood, inkasta oo qareenada muwaadinka Soomaaliyeed ay ku doodayaan in la qafiifiyo mudada xabsiga bacdamaa Maxamuud Cusmaan uu ka soo jeedo dal aan wax sharci ah ka jirin muddo 28-sano ah.