Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay 16 Ka Tirsanaa Al-shabaab

Ugu yaraan 13 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al ShabaAb ayaa jimcihii lasoo dhaafay lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose, sida laga soo xiganayo AFRICOM.

Weerarka dagaalyahanadan lagu dilay ayaa ahaa mid cirka ah, waxa ayna diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen deegaanka Gandershe oo 45 kilometer dhanka koofureed kaga beegan caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay taliska howlgalada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkan cirka ah lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu xusay in uusan wax khasaare ah duqeyntaas kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Sida lagu qeexay qoraalka Africom weerarkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay weerarada lagu taageerayo dowladda Somalia si loo wiiqo awoodda Al Shabaab.

15-kii iyo 16-kii bishii December ayuu mareykanku howgallo lix duqeymo oo xiriir ah ka fuliyey nawaaxiga deegaanka Gandershe, waxa uuna mareykanku sheegay in howlgalladaas ay ku dileen 62 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntaan ayaa imaaneyso seddex maalmood kadib markii uu mareykanku fuliyey duqeyn ka dhacday deegaan lagu magacaabo Shebeeley oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, waxa uuna mareykanku sheegay inuu ku dilay 24 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Waa duqeyntii 10aad ee ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan gudaha Somalia tan iyo markii uu bilowday sanadka 2019.