Banaanbaxyo ka socda Venezuela

Kumanaan mudaharaadayaal ah ayaa qaaday wadooyinka magaaladda Caasimadda ah ee Caracas iyagoo kala taageeraya Madaxweyne Nicolas Mduro iyo Ninka Madaxweynaha sheegtay ee Juwaan Guwaadiyo.

Guwaadiyo ayaa taageerayaashiisa waxaa uu u sheegay in dhaq-dhaqaaqa mucaaradku ay waddooyinka qaadi doonaan ilaa iyo inta uu Maduuro iska casilayo. Balse Maduru ayaa dhankiisa waxaa uu taageerayaashiisa u sheegay in uu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Venezuela.

Hogaamiyaha Mucaaradka Juwaan guwaadiyo ayaa Bishii lasoo dhaafay waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Kumeel gaarka ah ee Dalka waxaana taageeray Mareeykanka iyo Dalal kale oo ku yaala Laatiin America.

Ruushka iyo shiinaha ayaa taageersan Maduuro.

Xasarad Siyaasadeed ayaa wadanka ka dilaacday kadib markii Madaxweyne Maduru xilli labaad loo dhaariyay Xafiiska taasi oo timid kadib markii dalka laga qabtay doorasho uu Muran ka dhashay.