Wasiir soo bandhigay arrimo ka qarsoonaa shacabka (Maxaa soo kordhay?)

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga dowladda federaalka Soomaaliya Khadiijo Axmed Diiriye ayaa soo bandhigtay arrimo ka qarsoonaa shacabka oo ku saabsan dhibaatooyin in muddo ah ka jirtay Isboortiga dalka Soomaaliya, iyadoona sheegtay inay dadaal xoogan ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha heysta horumarka Isboortiga.

Khadiijo Axmed Diiriye oo u warameysay idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegtay inay uga faa’iideysaneyso dood ka dhaceysay xarunta idaacadda in dalka Soomaaliya dhibaato ka heysato horumarinta ciyaaraha sida tababarada lagu qabanayo dalka gudihiisa bacdamaa ciyaartoyda ka qeyb galeysa tartamada heerka qaaradeed.

“Waxaan ku baaqayaa in dalka gudihiisa loo soo celiyo tababarada ciyaartoyda Soomaaliya” ayay tiri Khadiijo Axmed Diiriye oo sheegtay in haatan ay ku qaataan dalalka deriska ah sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Wasiirada ayaa waxay kaloo tilmaantay inay wanaagsan tahay ciyaartoyda dalkooda inay tababaro ku qaadaan, hase yeeshee waxay caddeysay in wasaaradeedu arrimahaan kala hadleyso xiriirada Afrika iyo dhammaanba dhinacyada ay khuseyso.

“Aad ayaan uga xumahay inay jiraan kooxo dano gaar ah leh oo qiil u yeelaya inaan dalka gudihiisa loo soo celin howlaha lagu horumarinayo ciyaartoyda Soomaalida” ayay tiri Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye oo sheegtay in wasaaradeeda iyo xiriirka K/Cagta Soomaaliya ay arrintaasi wadajir uga shaqeynayaan in meesha laga saaro.

Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ka qeyb galeysa tartamada ka dhacaya dalalka Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka soo reynaya marka loo eego guulaha ay ka soo hooyaan ka qeyb galka tartamada dalalka qaaradda Afrika, inkasta oo weli ay jiraan dhibaatooyin ka heysta dhinacyada tababarada, daryeelka, dib u dhiska iyo kobcinta moraalkooda.