Muuse Biixi oo caro xoogan kala dul dhacay DFS, taageerayna maamul goboleedyada K/Soomaaliya (Dhageyso)

Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 25aad ee ka soo wareegatay markii la asaasay ciidamada Milateriga Somaliland, waxaana halkaasi khudbad kulul ka jeediyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Cabdi oo caro kala dul dhacay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre tan iyo maalintii la dhisay ilaa iyo maanta ay faragelin ku heyso faragelin qaawan.

“Dowladdaa Xamar fadhida ee ay hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre tan iyo markii la dhisay ilaa iyo maanta waxay faragelin qaawan ku heysaa qaranka Somaliland” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ka daashay dagaal isla markaana aanay cid dagaal ka gaartay guul.

La soco wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland

Khudbadda Madaxweynaha Somaliland oo ka duwan kuwii hore ayaa markii ugu horeysay waxa uu difaacay maamul goboleedyada ka dhisan Koofurta dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in dowladda Farmaajo ay ku heyso dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa kale oo uu sheegay in sidoo kale Dowladda Federaalka ay ku xadgudbeyso Qaramada Midoobay iyo dalalka taageerada siiya Soomaaliya, wuxuuna Alle ka baryay inuu ka qabto faragelinta iyo cuna qabateynta ay maamulkiisa ku heyso.

Halkaan ka dhageyso khudbadda Madaxweyne Biixi:

Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com