Mashruucii ugu ballaarnaa oo dhowaan ka bilaabanaya Muqdisho iyo labada Shabeelle

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda federaalka Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay booqasho kedis ah ku tegay degmada Heliwaa ayaa ugu bishaareeyay shacabka degmadaasi ee soo dhoweyntiisa ka qeyb qaadanayay inuu dhowaan bilaabanayo mashruuc muhiim u ah dadka ku dhaqan Muqdisho iyo gobolada laba shabeelle.

Iyadoo laga duulayo ballanqaadka Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa waxaa maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir ka dhacay kulan dhex maray Guddoomiye Eng. C/raxmaan Cumar (Yariisow) iyo safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay qorshaha lagu bilaabayo mashruucaasi.

Mashruucaan oo lagu dayactirayo waddooyinka isku xira Muqdisho, Jowhar iyo degmada Afgooye ayaa muddo saddex sano ah kahor waxaa ballanqaaday Dowladda Qatar oo bixineysa kharajka ku baxaya, iyadoo marxalado kala duwan uu soo maray hirgelinta mashruucaan.

Guddoomiye Ku xigeenka arrimaha bulshada Basma Caamir Shakeeti ayaa warbaahinta u faahfaahisay waxyaabihii ay ka wadahadleen Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo safiirka dalka Qatar, iyadoo sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen fulinta mashaariic horay loo ballanqaaday.

” Waxaan isku afgaranay safiirka Qatar sidii loo dhagax dhigi lahaa dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar iyo Muqdisho iyo Afgooye” ayay tiri Basma Caamir oo sheegtay in sidoo kale dowladda Qatar gacan ka geysaneyso nadaafadda barakacayaasha Muqdisho.

Mashruucaan oo haddii uu bilowdo noqonaya midkii ugu weynaa ee laga hirgeliyo dalka, waxaana fududaanaya isu socodka waddooyinka dhaadheer ee isku xira Muqdisho iyo gobolada shabeelooyinka oo aan wax dayactir ah lagu sameynin tan iyo wixii ka dambeeyay Dowladdii Kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa AUN Maxamed Siyaad Barre.

DHAGEYSO:

SMC: Xafiiska Wararka Muqdisho
contact@somaliweyn.com