Maqaal: M/W FARMAAJO YOW CAFIS KA RABAA?

Su’aasha ugu adag waa M/weyne Farmaajo yow ka rabaa cafiska? Dembiyada ama meel ka dhaca uu ictiraafsan yahay waa kuwee? Dembiyada ka dhaca qofka ummadda madax u ah waxay isugu jiraan gefaf uu aqoonsan yahyay iyo qaar uusann dareensaneyn iyo weliba qaar kale uusan u aqoonsaneyn dembi. M/weyne Farmaajo ma yaqaanaa xadka awoodiisa halka ay ku dhammaato. Ma wuxuu u maleeyaa in Madaxweynuhu siduu rabo u dhaqmi karo iyadoon wax dembi ah uusan u arag afcaashiisa.

Dembiyada uu galay Farmaajo waxaa loo qaybin karaa :

  • Dembi aad dalka ka gashay, mid aad dadka ka gashay iyo mid aad diinta ka gashay.
  • Dembiga aad diinta ka gashay Ilaahey waa ka cafiiyaa ciddi weydiisata, laakin kan aad dadka ka gashay, sida aad la socoto waa inay iyagu kaa cafiyaan, Ilaaheyna aad cafis daacad ah weydiisato oo aysan laqdabo kale ku hoos qarsaneyn.
  • Dembiga ugu khatarsan oon marna kaa hari doonin waa kan aad dalka ka geleyso oo aad iyo aad khatar u ah, waana eedo aan weligaa kaa hari doonin xataa marki aad jagada ka degto ama dunidaan ka baqoosho. Tan waxaa loola jeedaa in hantidi iyo kheyraadki dalkaanu lahaa aad u hibeysiin kana kireysiin dowlad ku can baxda xaalufinta kheyraadka badda Somaliya oo dhirirkeedu yahay 3,330 km.Waxaa kaloo iga xasuus ah in Ilaahey ku wediin doono dadki lagu gumaaday qaraxyada iyo kuwa rugtoodi ka soo bara-kacay maxaad u qabatay.

Waxaa lagu tilmaamaa dowladda SHIINAHA inay tahay JUUJA WA-MA JUUJ oo meeshi ay maraan xaalufiya, waxaana hubaal ah in jiilka soo socda ee Somalida aysan heli doonin hal mallaay ey kala soo baxaan badooda intaa dhirir la’eg.

Waxaa intaas dheer macdanta iyo batroolka dhulkeena ku jira in la kala boobaayo, adinkuna arrintaa dembi uma aragtiin, waana khiyaano qaran oo aysan jirin cid heegan u ah inay difaacdo kheyraadka dhulkaan (fiiri maqaal aan horeyuga qoray oo cinwaankiisu ahaaSOMALIA NOBODY’S LAND).

Waxaan ku soo khatimeynaa xikmat laga soo weriyay Cumar Ibnul Khataab Ilaahey raalli ha ka noqdee oo yiri “haddii neef lo’ ah uu ku kufo Ciraaq waxaan ka cabsahaa inuu Ilaahey berri i weydiiyo maxaad dariiq ugu sameyn weysay.. Cumar Faaruuq waxaa kaloo laga weriyay inuu u yimid safriir laga soo diray boqortooyadii Kisra, markassuu weydiiyay aaway qasriga Cumar markaasaa loo tilmaamay gurigiisi oo ahaa mid ka sii liita guryaha ay deggan yihiin fuqarada, asagina uu hurdo gee hoostiis isagoo gacantiisa barkan. Markasuu aad ula yaabay…ninka adduunka seddax meelood meel ka taliya oo geed hoos jiifa. Markasuu yiri “ Cumarow waa TALISAY WAAD CADDAALAD FASHAY WAANA ISKASEEXATAY. Tani waxay ka tarjumeysaa micnaha masu’uuliyadda looga baahan yahay madaxda dalka,waxaa intaas lagu booriyaa oo garta ciddi dareen leh.

Annagana waxaa noo taliya dad isu heysta inay dalkaan waxay rabaan ka sameyn karaan iyagoon cidna u aaba yeelin, haddana cafis weydiisanaaya.

Waryaa u shegi kara M/weyne Farmaajo iyo inta uu ku adeegto inuusan weligii cafis heleynin haddii uu ku adkeysto khaladaadka uu caadeysatay. Haddi uu codsiga cafiska kaa dhab yahay joojiya qandaraaska aad la gasheen SHIINAHA ee xaalufinta xeebaha Somaliya.

Somaalida maxaa la gudboon? Waa inay baddooda ilaashadaan qiima kasta ay ugu kacda ummadaan dulman ee dalkoodi laga xoogay, dil iyo handaadna loogu deray.


Axmad Calasow