Madaxweyne Xaaf Oo Kormeeray Xeryo Ku Yaalla Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer ku tagay Xero Ciidan oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf oo halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo lagu tababarayo Xeryahaasi ayaa kula dardarmaay in ay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay bixinayaan Saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Cadaan ah.

Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay door weyn ka qaataan sugida ammaanka deegaanada maamulka Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf waxa uu ku sugnaa Gaalkacyo, isagoona kulamo ka waday gudaha magaaladaasi.