Madaxweyne Mustafa Cagjar oo sheegay in aysan aqbali doonin Soomaali-diidnimo!

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxamuud Cagjar ayaa la kulmaya cadaadisyo siyaasadeed oo uga imaanaya Dowladda dhexe ee federaalka dalkaasi Itoobiya, taasi oo sababtay inuu xil ka qaadis ku sameeyo Wasiiro ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay inay jiraan kooxo isku xiran oo ka mid ah haraagii madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), kuwaasi oo maamulkiisa cusub ku haya qalalaale siyaasadeed iyo mid nabadgelyo.

Waxa uu sheegay in magaalada Addis Ababa ay ka socdaan wadahadallo uu la leeyahay xisbiga DDSI ka arrimiya iyo maamulkiisa, kuwaasi oo lagu guuleystay in la isku afgarto arrimihii keenay khilaafka siyaasadeed.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo soo farageliyay khilaafka hareeyay qowmiyadda Soomaalida Itoobiya ayaa ku guuleystay inuu wadahadallo u furo qeybaha maamulka degaankaasi, iyadoo Madaxweyne Cagjar si cad u diiday qaar ka mid ah ajandayaasha laga hadlayay.

La soco wararkii ugu dambeeyay DDSI

Madaxweyne Mustafe ayaa u sheegay Shacabka in Maamulkiisa uu arrintan si weyn kaga hortagayo, waxaana uu uga digay dadka arrintan sameynaya in ay ka waantoobaan, haddii kalana ay ka qaadaan doonaan Tallaabo ku haboon.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka ayaa ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta in dhowr jeer Maxkamad la soo taagay isla markaana weli xukun laga soo saarin.