Degaanno ka tirsan maamulka Puntland oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco dagaalkii ugu weynaa

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran kuwaasi oo saacadaha soo socota gaaraya degaano ay ku dagaalamayaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland ayaa wata gaadiidka dagaalka iyo saanado hubka noocyadiisa kala duwan ah oo ay ku jiraan madaafiicda garabka laga rido iyo qoyaha boobayaasha culus ayaa qorsheynaya inay weerarkii ugu cuslaa ku qaadaan degaanka Miraale oo 75Km u jira magaaladaasi Boosaaso.

Halkaan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee Puntland

Dadka ku dhaqan degaanka Miraale ee ka qaxaya dagaallo horay halkaasi uga socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo iminkana sii korortay barakaca degaanadaasi ka socda kaddib markii ay ka war heleen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada maamulka Puntland oo weerar ku ah Al-Shabaabka iyo Daacishta halkaasi ku dagaalamaya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in duullaanka cusub ee ay qaadayaan ciidamada gaarka ah ee la dagaalama kooxaha argagixisada ah, waxayna shacabka ku dhaqan degaanka Miraale sheegayaan in degaanadooda uu ka dhaco dagaalkii ugu weynaa ee ka dhaca gobolada uu ka arrimiyo maamulka Puntland tan iyo markii la asaasay.