Ciidamada Jubaland oo ku guuleystay qarax lala damacsanaa bartamaha deg. Baardheere

Sida wararka ay sheegayaan Qarax Ismiidaamin ah ayaa waxa uu goordhawayd ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid laga soo buuxiyay gaari isla markaana uu ku qarxay meel duleedka ka ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Jubaland ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore gaari qarxay uu doonayay in uu gudaha usoo galo degmada Baardheere ha yeeshee ay iyagu ka hortageen sidaasna uu ugu qarxay duleedka degmadaasi.

Waxaa jira khasaare ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah iyadoona lasoo sheegayo in cisbitaalka Baardheere la dhigay dad ay waxyeelo kasoo gaareen qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay duleedka degmada Baardheere.