Abwaan Baarleex oo ku geeriyooday dalka Hindia (La soco waayihiisii fanka Soomaalida)

Allah u naxariistee waxaa maalintii shalay dalka Hindiya ku geeriyooday Abwaan Cabdillaahi Xirsi Ibraahim oo ku magac dheeraa Baarleex oo maalmihii ugu dambeeyay xanuun dhinaca wadnaha ah looga dabiibayay.

Abwaanka ayaa ka mid ahaa sugaanyahannada sida weyn looga qadariyo meelaha ay ku noolyihiin Soomaalida ee geeska Africa.

Abwaanka oo ay da’diisu ahayd 65 ilaa 66 sano jir ayaa ku geeriyooday magalada Heydarabad ee waddanka Hindiya, halkaasoo looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha ah oo uu in muddo ahba la il darnaa.

Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada ka dhiga jaamacadda Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia oo uu abwaanka ku dhashay waxa uu idaacadda VOA-da uuga warbixiyay aqoontii uu u lahaa Allaha u naxariistee Abwaan Baarleex.