Xulka Qadar oo ku guuleystay tartanka Asian Cup kaddib markii 3-1 ku dardartay kooxda K/Cagta Japan

Xulka Kubbada Cagta dalka Qadar ayaa 3-1 ku dardaray kooxda kubadda Cagta dalka Japan, taasoo u suur-tagalisay in ay ku guuleystaaney Asian Cup.

Cayaarta oo aheyd mid aad u adag ishana lagu wada hayay ayaa waxaa si weyn uga dhax muuqday dhinaca xulka Qadar cayaar yahanno dhowr ah la soo shir-tagay xirfad sare oo suurtagalisay in ay quusiyaan xulka Kubadda Cagta Japan.

Daawo: Laacib Soomaali ah oo ka yaabsaday xulka Imaaraadka Carabta

Cayaar yahanka Qadar Cafif oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa cayaartooydii sida weyn garoonka uga soo dhax muuqday garoonka.

Xulka Kubbada Cagta dalka Qadar ayaa guulaha ay ka gaareen tartankan waxaa uu u yahay mid caalamka ay tuseen sida ay isugu diyaarinayaan tartanka ciyaaraha adduunka ee soo socda kaasoo uu dalka Qadar martigelin doono.

Xulalka Qatar ayaa horay uga badiyay xulalka kubadda cagta dalalka Sacudi Carabiyo iyo Imaaradka Carabta oo ay siweyn u xifaaltamaan.