C/Casiis Xildhiban: “Hadaan la bedelin RW Kheyre waxaa shaki geli doona inay dalka jirto dowlad”

C/Casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” oo ah aqoonyahan si dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya isla markaana Dowladda Federaalka ka soo noqday afhayeenka amniga ayaa markii ugu horeysay hoosta ka xariiqay arrimo badan, isagoona sheegay in hadaan la bedelin Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre aan marnaba la fileyn horumar ay sameyso Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) labada sano ee u hartay.

Dowladda Federaalka oo muddo laba sano ah u buuxsameyso taariikhdu marka ay tahay 8da Febraayo sanadka 2019-ka, ayuu sheegay C/Casiis Xildhibaan labadii sano ee ay dalka ka jirtay qaladaad badan ku kaceen hoggaankeeda sare.

Waxa uu sheegay in Ra’iisal Wasaare Kheyre muddo laba sano gudaheed ah uu xilalkii ka qaaday Wasiiro iyo Saraakiil ku guda jiray howlahooda shaqo kuwaasi oo tiradoodu ka badan tahay 40-mas’uuliyiin kala duwan ahayd, hase yeeshee booskooda lagu bedelay shaqsiyaad ka liita kuwii xilka laga qaaday.

“Hadaan la bedelin Ra’iisal Wasaare Kheyre waxaa shaki geli doona inay dalka ka jirto dowlad” ayuu yiri aqoonyahan C/Casiis Xildhiban oo sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay Madaxweyne Farmaajo ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka aanay jirin mid ka mid ah oo uu fuliyay sida dhismaha garsoorka, dowladnimo wanaagga iyo qodobo kale.

C/Casiis Xildhiban ayaa sheegay in ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ay ka mid ahayd laba sano gudahood inuu dalka uga saaray kooxda Al-Shabaab, taasina ay meesha ka baxday bacdamaa ay kooxdu weli awood u leedahay weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulineyso goobaha dowladdu maamusho.

Dhinaca kale aqoonyahan Xildhibaan ayaa ku taliyay in hadaan la helin isbedel dhanka madaxda sare ah aan marnaba wax rajo ah laba qabin horumar ay ku tallaabsato labada sano ee u hartay, wuxuuna sheegay in mudadii uu ahaa afhayeenka wasaaradda amniga uu indhihiisa ku arkay falal wiiqaya dowladnimada dalka.

Hadalka C/Casiis Xildhibaan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Federaalka ee Madaxweyne Farmaajo muddo xileedkeeda qeyb ahaan u dhammaatay ayaa dadka dhaliila waxay sheegayaan inay ka gaabisay howlo fara badan taasi bedelkeedana ku dhaqaaqday tallaabooyin iyo dib u dhacyo ku yimid baahinta dowladnimada, khilaafka maamul goboleedyada iyo hirgelinta shuruuc muhiim u ah dadka iyo dalka.