Al-Shabaab oo Baabuur fara badan ku gubay G/Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ayaa sheegaya in Al-Shabaab gaadiid badan ay ku gubeen deegaan lagu magacaabo doonka oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Baabuurta Shabaabku gubeen ayaa tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 7 gawaari, kuwaasi oo ah kuwa qaada Xamuulka.

Wararku waxay sheegayaan in Baabuurtaasi ka yimaadeen degmada Wanla weyn, waxayna ku sii jeedeen Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelah hoose.

Baabuurta ayay Shabaabku gubeen galinkii danbe ee shalay, waxayna wadeen Dhuxul, taasi oo ay u rarnayd ganacsato ku sugan degmada Afgooye.

Danka kale lama ogo sababta keentay inay Al-Shabaab gubaan gawaaridan xamuulka ah, kuwaasi oo tiradooda gaaraysa ilaa iyo 7 gaari, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka G/Shabeelaha Hoose.