Meydka 47-qof muhaajiriin ah oo laga helay xeebaha Jabuuti & baadi goob weli lagu jiro

Ciidamada Badda Dowladda Jabuuti, dadweyne is xilqaamay iyo shaqaale ka tirsan hay’adda socdaalka Adduunka IOM ayaa goor dhow helay meydadka qaar ka mid ah muhaajiriintii saarneyd laba doon oo ku qalibmay xeebaha dalkaasi Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ku howlan baadi goobka raq iyo ruux dad tiradoodu gaareyso 130-qof oo saarnaa laba doon la helay meydadka ilaa iyo 47-ruux, waxayna saraakiisha ciidamada Badda Jabuuti sheegeen inay aad u kacsan tahay badda Cas isla markaana ay jiraan roobab wata duufaano.

Muhaajiriintaan ayaa la sheegay in labada doon oo ay saarnaayeen qalibantay xilli ay mareysay xeebaha sare ee dalka Jabuuti, waxaana gebi ahaanba burburay doomihii ay saarnaayeen, iyadoo weli la baadi goobayo dadkii kale ee la socday meydadka la helay.

Labada doon oo ka baxay xeebaha dalka Jabuuti ayay sheegayaan saraakiisha inay jiraan caqabado soo wajahay howlgalkooda ay ku baadi goobayaan muhaajiriintii saarneyd doomaha ku qalibmay biyaha sare ee xeebaha dalkaasi.

Ilaa iyo iminka lama sheegin muhaajiriinta dalalka ay ka soo jeedaan, inkasta oo warar hordhac ah sheegayaan inay u badan yihiin dalalka Afrika, kuwaasi oo iyagu doonayay inay gaaraan dalka Yemen ee ay deriska yihiin dalka Jabuuti si ay uga sii tallaabaan dalka Sacuudiga.