Madaxda sare ee DFS & wafdi ka socda Xoghayaha guud ee QM oo yeeshay kulan looga hadlay arrimo culus (Akhriso)

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhow lagu soo gabagabeeyay kulamo dhex maray Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi ka socday Xoghayaha guud ee QM Antonio Guttres.

Wafdiga ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada NewYork dalka Mareykanka waxaa hoggaamineysay haweeney lagu magacaabo Rosemary DiCarlo oo Xoghayaha guud ee UN-ka u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo saraakiil kale oo iyana ka tirsan laamaha kala duwan hay’adaha hoos taga Qaramada Midoobay.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska QM ay ku leedahay magaalada Muqdisho laguna magacaabo UNSOM.

Kulanka oo qaatay muddo ka badan saacad ah kaddib Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay wafdiga Qaramada Midoobay inay arrimahaasi ka wadahadlaan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada halkaasna laga ambaqaado sidii loo soo afjari lahaa khilaafka soo kala dhex galay Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Saacado kaddib Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada ayaa kulan saacado qaatay waxay la qaateen wafdiga ay hoggaamineyso haweeneyda Rosemary DiCarlo, waxayna labada dhinac ka wadahadleen arrimo ku saabsan siyaasadda, ammaanka, arrimaha gargaarka, taageerada QM ee Soomaaliya iyo qodobo kale.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen DFS iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in la isku afgartay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyneyd sidii ay labada dhinac iskula shaqeyn lahaayeen isla markaana la isaga kaashan lahaa ammaanka shaqaalaha QM ee ka howlgala magaalada Muqdisho oo 1-dii bishaan sii dhammaaneysa weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday lala eegtay xaruntooda Muqdisho.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya iyo wafdiga ka socda Xohayaha guud ee QM ayaa waxaa kulankooda lagu soo afjaray gebi ahaanba khilaafkii labada dhinac ka taagnaa, kaasi oo ka dhashay kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya dalka ka ceyrisay wakiilkii QM u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom, iyadoo dhowaan la filayo in Xoghayaha guud ee QM soo magacaabo Wakiil cusub.