Daawo: Laacib Soomaali ah oo ka yaabsaday xulka Imaaraadka Carabta

Xulka ciyaartoyda kooxda K/Cagta wadanka Qatar ayaa markii ugu horeysay gaartay semi-final tartanka koobka dalalka Aasiya ee sanadka 2019-ka.

Ciyaarta oo dhex martay kooxaha dalalka Qatar iyo dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhammaatay 4-0 oo ay guusha ku raacday xulka dalka Qatar, kaddib markii ciyaartoyga lagu magacaabo Akram oo asalkiisu yahay Soomaali saddex gool ku hubsaday shabaqa kooxda UAE.

Laacibkaan Soomaaliga ah waxaa dhalay Xasan Cafiifa ciyaartooy horay uga tirsanaa kooxdii Horseed ee xulka Qaranka Soomaaliyeed, isagoona badbaadiyay kubado lagu sigay shabaqa kooxdiisa Qatar, hase yeeshee u soo baxday Finalka koobka kooxaha Aasiya sanadka 2019-ka.

Warbaahinta ka faalloota Sports-ka caalamka ayaa iyagu si weyn uga hadlay laacibka asalkiisu yahay Soomaaliga doorkii uu ku lahaa ciyaartii semi-finalka ee dalalka Qatar iyo Imaaraadka dhex martay, iyagoona tilmaamay in ciyaaryahankani yahay mid ka dhisan dhinac walba.