Fal argagax leh oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Wararkanagasoo gaaraya Magaalada Muqdisho Gaar ahaan xaafada Carta ee degmada heliwaa waxaa ay sheegayaan  in halkaasi  lagu arkay meeydka ruux la jar-jaray kaasi oo dilkiisa loo adeegsaday Baangad, sida ilo deegaanka ahi-noo xaqiijiyeen.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray cali laami, wuxuuna ahaa ruux ka ganacsan jiray xoolaha nool, waxuuna ahaa ruux si weyn xaafadaasi looga garanaayo.

Ilaa hada si cad looma ogaan cida geysatay falkaan, iyadoo dhacdadaan ay noqotay mid aad loola yaabay oo dadka ku dhaqan xaafadaasi si weyn uga anfariireen.