Dowladda Itoobiya oo sheegtay in Xubno Al-Shabaab ay ku dileen..

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Ciidankeeda cirka ay duqayn la beegsadeen saldhigyo ay Al-shabaab leeyihiin islamarkaana ay ku dileen Labo hogaamiye iyo dagaalamayaal kale.

War kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Ethiopia oo loo diray Warbaahinta EBC ayaa lagu sheegay in weerarka oo qaatay 35 daqiiqo lagu qaaday koofurta Soomaaliya 24kii Bishaan, gaar ahaan Deegaan lagu Magaabo Buur Haybe oo 75km Bari ka xiga Magaaladda Baydhabo.

Warka Wasaaradda Gaashaandhigga Ethiopia ayaa lagu sheegay in la dilay Abu Cusmaan iyo Cabdi Salaan oo kala ahaa Madaxii Howlgalada iyo Khabiir isku xirka Bombo gacmeedka, 35 kale oo Al-shabaab ka tirsan ayey sidoo kale Sheegtay Wasaarada Gaashaandhiggu in la dilay.

Weerarkaan ayaa waxaa uu imaanayaa kadib markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Ciidan Ethiopian ah oo ku safrayay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buur Hakaba 18kii Bishaan.

Dagaalkaas waxaa ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray Labadda dhinac iyo Dad shacab ah, Al-shabaab ayaana sheegay in Ciidannka Ethiopia ay ka dileen tiro badan oo ka mid ah Askartooda.

Ciidanka Ethiopia waxay ka tirsanyihiin Holgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Dowladda Soomaaliya ka caawiya Nabadda iyo la dagaalanka Al-shabaab. Balse Saraakiil amni ayaa sheegay in Dalka ay ku suganyihiin Ciidan Ethiopian ah oo aan Howlgalka ka tirsaneeyn