Axmed Madoobe oo Ka Hadlay in Doorashadda Jubba-land Dib Loo Dhigayo

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka war bixiyey Safar uu Magaalada Garowe kaga qayb galay Xalfada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kulamo uu halkaa uu ku dhaxmaray Madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Wakhtiga kulankaas ka horeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in wixii dhiman laga sugayo Dowlada Federaalka ah in ay Xal la timaado maadama masuuliyada ay iyada saaran tahay waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in niyad wanaag ay kala yimaadeen Garowe.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubba-land ayaa ka hadlay wararka ku aadan in howlgaladda uu ku dhawaaqay dhawaan uu kaga goleeyahay in waqtiga doorashadda Jubba-land Laga baaqsado.

Howlgalada Xoraynta ah ee ay Dowlada Jubbaland wado wuxuu xusay Madaxweynahu in ayna wax dib u dhac ah ku keeni doonin marka la gaaro wakhtiga doorashada isagoo ka digay in dadka lagu beer Laxowsado in howlgalada socda ay Doorashada dib u dhigi karaan taas oo xaqiiqada ka fog.

Wuxuu carabka ku adkeeyay Madaxweynahu in gacana wadanka lagu xoraynayo gacana lagu qabanayo Doorashooyinka isla markaasna aan hal maalin dib loo dhigi doonin dhamaan dadka uu hanka Siyaasadeed ku jiro ayuu sheegay in ay yimaadan oo ay tartamaan iyaga oo aan khalkhal galin howlgalada lagu xoraynayo wadanka.

Dhamaan Bulshada ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan Ciidamada oo ay doorkooda qaatan isagoo xusay in dagaalkan ay Jubbaland kali ku tahay loona baahan yahay in la isku tashado.