Qaxooti Suuriyaan oo ku nool Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa kusoo badanaya qaxootiga kasoo qaxay dalka Suuriya, dadka deegaanka ayaa u muuqda kuwo u taagan caawinta qaxootiga si ay u daboolaan baahidooda.

Qaxootiga Suuriyaanka ah ayaa intooda badan waxay gaareen dalka Itoobiya sida magaalada Addis Ababa.

Sheekh Maxamed CabdiWaaxiid oo kamid ah guddiga isu xilqaamay caawinta dadkan ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ugu gargaarayaan qaxootiga si ay guryo u siiyaan.

Waxaa uu sheegay in culeys badan ay kusoo kordhiyeen magaalada isla markaasna ay yihiin dad dhibaateysan.

Qaxootiga reer Suuriya waxaa gargaar u fidiyay dadka deegaanka: Qaxootiga
Sheekh Maxamed waxaa uu sidoo kale sheegay in qaxootiga Suuriyaanka ay kasoo qaxeen xero ku taalla dalka Suudaan si ay nolol wanaagsan u raadsadaan.

Itoobiya: Qoxooti reer Suuriya oo waddooyinka Addis Ababa ku dawarsada

Waxaa lagu qiyaasay in tiradadooda ay gaareyso ilaa boqol qoys oo ku kala sugan qeybaha kala duwan ee magaalada Jigjiga.

Dadka qaxootiga waxay sheegeen in aysan sii joogeyn magaalada Jigjiga halka qaarkood ay ku wajahan yihiin Somaliland.