Mareykanka oo dacwad kusoo oogay madaxa shirkadda Huawei

Wasaaradda cadaaladda ee Mareykanka ayaa dacwado dhawr ah waxa ay ka gudbisay madaxa dhaqaalaha shirkadda tiknoolajiyadda ee Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha Meng Wanzhou.

Dacwadaha laga gudbiyay waxaa ka mid ah, wax idaba marin lagu sameeyay bangiga iyo fiilooyin, sharciga Mareykanka oo la baalmaray iyo xatooyo loo geystay shirakadda technology-adda T Mobile ee laga leeyahay Mareykanka.

Ms Meng ayaa waxaa bishii aynu so dhaafnay lagu xiray dalka Canada kadib markii uu mareykanka ka codsaday in la xiro Meng, taasi oo xilligaasi lagu soo edeeyay in ay baalmaratay sharcigii cuna qabataynta lagu soo rogay Iran.

Haseyeeshee kiiskaasi ayaa waxa uu xumeeyay xiriirkii ka dhaxeeyay Shiinaha, Canada iyo Mareykanka.

Ms Meng iyo shirkadda Huawei ayaa waxa ay labaduba iska fogeeyeen eedeeymahaasi loo soo jeediyay.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa dhammaan cuna qabataynadii Iran laga qaaday sanadkii 2015-kii dib ugu soo celiyay oo xitaa ugu sii daray cuna qabateynno kale oo dheeraad ah, taasi ayaana keentay in Mareykanka uu il gaar ah ku eego shirkad kasta oo ganaci la sameeyneyso Iran.