Ma daawaday filmkii Africa Adio oo uu Yuweyri Ku qabsaday Ugaandha

Waxaan daawaday qayb ka mid ah film documentary ah oo la yiraahdo Africa Adio oo uu Film sameeye Talyaani ahi uu ka sameeyey dagaaladii ka dhacay Dalalka Ugandha Ee uu Yakuta Musaveni ku qabsaday dalka Ugandha iyo dagaalkii sokeeye Ee ka dhacay Dalka South Sudan.

Arinta aan ka yaabay ayaa ah ninkaan Yakuta Moseveni iyo qowmiyadda uu ka dhashay ay caanka ku yihiin dhaqan yaab leh kaas oo ah cunidda hilibka Gorillaha Iyo Chimpanziga oo ah Daayeerada waawayn xiligii uu dagaalamayeyena ay asaga iyo askartiisu aad u ugaarsadeen daayeeradaas dhaqanka qawmiyadda uu kasoo jeedana waaba laysku casuumaa . Waxaa kaloo aan maqlay in ilaa hadda uu cuno Si qarsoodi ah.

Ujeedkaygu waxa weeye ninkii daayeerada cuni jiray ayaa Somalia wax ka sheegay oo aflagaadeey.

Asaga lama yaabayo Ee waxaa la yaab leh dad soomaali sheeganaya qaarkoodna waliba Xildhibaana Sheegta ayaa u sacbinayey oo lahaa waa runtiis kuna faraxsan in dalkooda la caayo iyagoo u arka inay Madaxda dalka ay caydu ku socoto.

Kuwaas markaad u fiirsatid taariikhdooda waxaad arkaysaa Inaysan kala garanaynin qaran iyo Xuumad. Waxaan dhihi lahaa adeerayaaloow dalkaaga oo aad shisheeye ula soo safatid waa waxa carab maanta meeshay taalo dhigay ee alaha idin soo hanuuniyo.

WQ: Abdirashiid Bulle