Faahfaahin: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo ah mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Gudaha Kaalin lagu iibiyo Shidaalka,isla markaana baakin u ah Maqaayad lagu Magacabo Baar Italia oo dhawaan laga furay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho. Wariyeyaal goobta tegay ayaa waxa ay soo sheegayaan in ay arkeen dhaawaca ilaa 4 ruux oo goobta laga qaaday,kuwaas oo Haweeney ay ka mid aheyd.

Majirto cid sirasmi ah loola beegsaday qaraxaas,hayeeshee waxaa dad goobta tegay ay sheegeen in gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf uu qarxay,isla markaana uu sababay khasaaro dhaawac ah.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa gaaray Goobta,waxaa sidoo kale xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.