Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo La Heshiisiinayo

Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay Heshiisiinayaan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Nabadoon Islow Rooble Khaasim Cusmaan oo kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qorshahaaas ay ku tala jiraan.

Waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen hadda qorshe ku aadanaa in ay Maxaabiis u kala wareejiyaan Maamulka Hirshabeelle, iyo Al-shabaab.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Shabaab in la heshiisiiyo ay adag tahay balse qorshaha arintaan ay ku tala jiraan.