Kulan ku saabsan xoojinta xirriirka waalidka & dhalinyaradda oo Malmö lugu qabtay

Magaaladda Malmö caasimadda 3aad ee dalka Sweden, ayaa maanta waxaa ka furmay kulan looga hadlayo xoojinta xirriirta dhalinyaradda iyo waalidiinta, oo ay soo qaban qaabiyey Urrurka Isbaheeysiga ummadda soomaaliyeed ee Sweden.

Kulankan oo socday labbo cisho, ayaa waxaa ka soo qeyb galay waalidiin urruro kala duwan oo ka mid ah jaaliyadda soomaalida Sweden. Ugu horeyntii waxaa halkaas warbixin qiimo leh ka jeediyey Sh Rashid oo aqoonyahan bartay cilmiga bulshadda ayaa si weyn uga hadlay dhibaatooyinka ku heereysan carruuraha qurbaha iyo asbaabaha loo aaneeyn karo in la qaato. “Arrimaha ay ka mid yihiin, dilka, gacan ka hadal ee qoyska dhexdiisa ah, waalidka leh balwada, iskuulada oo qeylo dhaan ka soo yeerto iwm waa waxyaaabaha keena in la qaato carruuraha” ayuu yiri Sh Rashiid oo si guud uga warbixinayey sharciyadda loo cuskado qaadashada carruuraha, maadama muddooyinkan dambe ay aad u badatay carruuraha soomaalida ee la qaato,. Dhinaca kale waxaa Sheekhu farta ku tilmaamay halista maanta ay ku sugan yihiin dhalinyaradda soomaaliyeed ee Sweden,  kuwaas oo falal dambiyeedyadda iyo dilka ay saameeyn ugu yeelatay.

Kulankan oo maanta oo axad ah la soo gabeeyey, ayaa looga munaaqishooda arrimo badan oo la xirriira siddii loo xoojin lahaa xirriirka waalidka iyo carruurta. Waxyaabaha kale ee aad looga hadlay waxa kaa mid ah kaalinta bulshadda soomaaliyeed oo la isku raacay ineey noqotay mid fashilantay iyo tafaraaruj xoogan oo ka dhex jira urruradda soomaalida.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa ku dhamaaday jawi  aad wanaagsan iyo in lugu wada baraarugsan yahay dhibaatada nugu heeyreysan iyo sida xal dhab ah loo wajihi doono. Dhinaca kale fanaaniinta Cali Dhaanto iyo Nuur Carraale ayaa suugaan qiimo badan ku soo bandhigay maddasha.

Somaliweyn News – Malmö