Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri=Q-11 aad=

Hordhac:

Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la’aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Q-11aad. Birta.

Culumada Seyniska ayaa yiraahdeen: Markii aan u Da’ tirinay Macaadanta Aduunka laga helo, waxaan ogaanay in Birto ey tahay tan ugu da’da yar, dhulka markii la abuurayna, Birto ma jirin.

Muddo kadib ayaa dhulka waxaa Ku soo dhacay Dhagax weyn oo Bir Ka sameeysan oo xiddigaha sare Ka Soo go’ay. Waxaa uu Ku firdhaday dhulka meelaha qaar qeyb badan ayaa Ku dhacday meelana wax yar, Carradda Aduunkana 5/100 ayaa Bir ah.sidaa Darteed Birtu waa Macdanta ugu da’da yar Macaadinta Aduunka.

Taa mar hore ayaa qur’aanku noo sheegay (F.S: 1aad) Ayaada ( quraanka 57: 25 ). (Wa Anzalnaal……….li naasi). Macnaha aayadda, oo ah waxaan Soo dajinay Birta, taa oo muujinee in Birta la Soo dajiyay dhulka uumistiisa kadib, Lana yiri: waxa ey idiin leeday dhib badan iyo nacfi. F.S: 2 & 3aad.

Sidee Rasuulkeena NNKH oo aan wax Qorin waxna Aqrin uu 1400 Sanno ka hor uu ku ogaaday in Birta la Soo dajiyay dhulka waqti Ka duwan macdanta kale.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qeybta 12aad

Qore: Yahya Amir