Sannadkan 2019:Halka uu ka bilaabanayo Hardanka ma Soomaali iyo caalamkaa sidii 1993?. Ma Damaca Abiy Ahmed iyo Oromaa?

Run Miyaa? Ma Ogi. No. 186

Cumar ayaa yiri: waxaa ii yimid Sheikh Zakaria Axmed oo wata kutubadiisii yaraa, waxa uuna igu yiri: sideed u aragtaa wajiga Siyaasada Somaliya ee Sannadkan 2019?

Cumar ayaa ku yiri: Ma filaayo wax weyn oo isbadal ah iyo dhibaataba.

Sheikh Zakriya ayaa yiri: Annigu welwel ayaan qabaa, Numbarka 9 Sannad ku dhamaada soomaalida uma fiicno:

1-Sannadkii 1969 waxaa la inqilaabay dowladdii shacabku soo doortay,waxa eyna xukunka ku qabsadeen ciidamadu si sharci daro ah, waxaana abuurmay Xukun kali talis ah.

2-Sannadkii 1979 waxaa dagaal hubeysan isu abaabulay SDF,dowladiina waxa ey cadaadis ku bilaawday Taageerayaashii SDF ku Beesha aha, waxa eyna noqotay bilawgii colaaddo hubeeysan.

3-Sannadkii 1989 Dagaalo ayaa ku fiday Gobaladda Waqooyi, Gobalada dhexe iyo Hiiraan.waxaana xoogeeystay Dagaaladii USC ey ku diidaneyd Xukun kali talis ah.

4-Sannadkii 1999 walaalaha Galgaduud ayaa u bahoobay inay la wareegaan dhulka waamo , kuna caburiyaan Reer Waamo.

5-Sannadkii 2009 waxaa Dalka Xoog looga eryay Ciidamadii Itobiya,waxaana Dagaalkaa ka dhashay Hardan iyo Dagaal Diineed oo Dalka ku fiday.

6-Sannadkan 2019 waxaan qabaa cabsi , ma garankaro halka uu ka bilaabanayo hardanka, ma Soomaali iyo caalamkaa sidii 1993?. Ma Damaca Abiy Ahmed iyo Oromaa sida 2007?. ? ma awood sheegasho iyo Damac kali talisaa sababi doono Colaad sida 1990. Ma Damac Ciidanaa jiri doono sida 1969?

Sida hadda Dowladdu wax u wado ilama saadaal fiicna, kutubteeyduna waxa ey sheegayaan in Sannad ku dhamaado 9 uuna somalida u fiicneeyn.

Cumar ayaa yiri: Shiikhoow, Kutubadaada iska laabo, ayaamaha Ilaahey eed male midood, wixii Alla Qoraana Dhacaa, Shakiga aad i galisayna, shartii ka coowdi bilaah.

Run miyaa? Ma ogi.

Soo xigte: yahya Amir