Dad ku dhintay Toogasho ka dhacday Mareykanka.

Booliiska Gobolka Mareeykanka ku yaala ee Louisiana ayaa waxaa ay radinayaan nin hubeeysan oo la tuhunsanyahay in uu dilay Shan Qof oo ay waalidiintiis ku jiraan.

Toorashada ayaa ka dhacday koofura Caasimadda Gobolka ee Baton Rouge. Masuuliyiinta Gobolka ayaa dhanka kale waxay Nin ka dilka geeystay ku sheegeen in uu yahay 21 jir lagu magacaabo Dakota Theriot kaasi oo baxsaday markii uu falka geystay kadib.

Booliiska ayaa Ninka ku tilmaamay in uu yahay Halis hubeeysan.