Saadaalin iyo Xukuumada Mustafa

Mustafa Shawuu tagay.

Shinmuu tagay?

Shaluu tagay.

Waa sida ay ila tahay – Waxa dhawaan cadaandoonta (1) in Mustafa faraha looga qaadidoona MW gobolka; (2) in dhinaca Axmed Shida la odhandoono ku koobnaada arimaha xisbiga iyo sidii xisbigu ugu dadaali laahaa in sibadaelka Abiy horey loo siiwado deegankana lagu soo talaalo.

Abiy hadeertan dan weyni ugu ma jirto in isbadel lagu dagdagay, shacab badan oo Soomaali ahina ka soo horjeedaay, lagu sanduleeyo deegaanka.

Dhinaca kale, MW Mustafa iyo la taliyihiisa gaarka ah, Jamal Diiriye, shax siyaasadeed oo heer sare ah ayey ciyaareen. Markiiba fadhigay ka kaceen oo inta ay theory of argument ama dood dajisteen ayeey la tageen isgaadhsiint, gaar ahaan kuwa Addis Ababa.

Markay hubsadeen in Addis laga maqlay dhawaaqoodii (oo ahaa CMC iyo saaxiibadiis ayaa soo noqonaya), ayey deegaanka u soo noqdeen oy abaabul xoogan sameeyee. Intaasi wixi ka hadhayna waa “ciyi waa ka beryey,” ama “the rest is history.”

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka waxa dani ugu jirtaa in MW xiligiisa loo dhaafo hadhowna cidii kula baratameysa kursiga ay sidaas ula baramto. Yaan sidii kubada lagu ciyaariin masiirka umaddan daashay.

WQ: Faisal Rooble