Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta la caleemasaarayo

Waxaa Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland ka socda qabanqaabadii u dambeysay Munaasabad maanta lagu caleemasarayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaana Garoowe saakay uu waaga ugu baryay Mas,uuliyiin ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo mas,uuliyiin kale oo Mucaarad ku ah dowladda dhexe,Siyaasiyiin xilal hore kaga soo qabtay dowladahii Soomaaliya soo maray, Madaxda Maamul goboleedyada, Fanaaniin iyo marti sharaf kale oo doonaya in ay ka qeyb galaan Munaasbadaasi.

Madaxweyne Deni oo isla maalintii la doortay la dhaariyay ayaa shalay soo dhaweeyay madaxdaasi kala duwan ee Garoowe gaaray.

Waxaa la filayaa in munaasabada lagu caleemasaarayo ay soo idlaato wixii loo gaaro caawa fiidkii, waxaana khudbado ka kala jeedin doono madax aad u kala aragti duwan.