Taliska AFRICOM oo joojinaya shaacinta khasaaraha ka dhasha Duqeymaha ay Soomaaliya ka fuliyaan.

Muqdisho:-Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada mareykanka ee qaarada africa ee Africam ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan shaacinta khasaaraha ka dhasha duqeymaha ay ka fuliyaan saldhigyada Al-Shabaab ku leeyihiin meelo ka mid ah Gobolada dalka

Taliska Africom ayaa sidoo kale sheegay inay xoojinayaan duqeymaha ay la beegsadaan xarumaha Al-Shabaab,taa badalkeeda dowladda mareykanka ay u deysay shaacinta khasaaraha ka dhasha duqeymaha ay fuliyaan dowlada Soomaaliya.

Africom ayaa Arrintan ku sababeeyeen, kadib markii ay arkeen hadalo kala duwan oo ka soo kala baxaya labada dhinac.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay taliska ciidamada mareykanka ayaa shaaciyay in tilaabaddan ay timid ka dib markii kulamo kala duwan ay yeesheen Madaxda ugu sareysa taliska Africom.