Madaxweyne Deni oo Garoowe kula kulmay Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Garoowe:- Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi uu Maanta Magaalada garoowe kula kulmay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntalnd, Siciid C/laahi Deni.

Cabdi Xaashi ayaa waxaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne Siciid Deni ku wehliyay xubno ka tirsan wafdigii uu hoggaaminayay oo ka tirsan Goalayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulankooda ayaa ahaa soo dhoweyn iyo kala war qaadasho,waxaana markuu soo dhammaaday warbaahinta uga warbixiyay Senotar. Mahdi Daahir Sheekh Nuur oo sheegay inay iyaga iyo Madaxweynaha iska waraysteen waxyaabo hoose oo ay ka mid yihiin wada shaqaynta Labada dhinac.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, ayaa Shalay gaaray Magaalada Garoowe, si ay ugu qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo dhowaan la doortay.