Dadka Qaba Cudurka Kansarka Gobolkee ugu badan?=Xog-wadaag & Codsi=

Mid Ka mid ah Isbitaalada Dalka Hindiya, ayaa ii sheegay in tira koob ey Ku sameeyay Dadka caafimaadka u tago halkaa ee laga helay Cudurka Kansarka( Cancer). ummadda ALLA haka najeeyee.

In badankooda laga keeni jiray Gobalka Sh/ dhexe, Magaalada Mogadishu gaar ahaan dhinaca waqooyi.

Hadda waxaa Ku Soo kordhay Magaalada Mogadishu oo dhan, Sh/ hoose, Galguduud oo dhan iyo Degmooyinka koofure ee Punt land.

Codsi:

Ma ogi sababta, waxaan Ka codsanaa wasaaraddaha Caafimaadka heer Qaran, Heer Gobal iyo Bahda Caafimaadka in ey baaraan sababta: ma Sun lagu aasayaa, ma cunta gaar ahaa, ma Sabab kalaa.

Inta qabta ALLA haka caafiyo, inta aan qabina ALLA haka nageeyo.

Qore: Yahya Amir