Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalla ee G/J/Hoose.

Muqdisho:- Wararkaka imaanaya Jubaland ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa horay Deegaanka Janaay Cabdalla ugu Sugnaa Al-shabaab, iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka ay ka weerareen labo jiho maleeshiyaadka Al-Shabaab.

General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay idaacad ku hadasha Afka Ciidamada ayaa sheegay in Howlgal qorsheysan ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbbaland, islamarkaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen degaanka Janaay Cabdalla.

Taliye Bogmadow ayaa tilmaamay in dagaalkii Al-Shabaab ay la galeen uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna shaaca ka qaaday Taliyaha in dagaalka ay ku dileen 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 22 kalana ay ka dhaawaceen.