Safiirka Turkiga oo casho sharaf aan caadi ahayn u sameeyey Golaha Aqalka Sare ee BFS (Daawo)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz.

Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro.

Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa mahadnaq ka sakoow sheegay inay joogteen doonaan kulamada noocaan oo kale ah, mar kastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah.

Safiirka Turkiga waxaa kale oo uu sheegay inuu xoojinayo xiriirka u dhaxeeya dalkiisa iyo Soomaaliya, wuxuuna ballanqaaday inay kordhinayaan taageerada Dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha dib u dhiska dalka, ammaanka, caafimaadka iyo fulinta mashaariic horay loo ballanqaaday iyo kuwo cusub.