Degmo cusub oo lagu kordhinayo gobolka Banaadir

Degaanka Gubadley oo dhinaca bari uga beegan magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu dhagax dhigayay xarunta degmada cusub ee Gubadley, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay xubno ka tirsan bulshada qeybaheeda kala duwan ee degaankaasi degan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ay la socdeen madax ka tirsan maamulkiisa iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga degmooyinka gobolka Banaadir ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad kooban oo uu uga hadlayay degmada cusub ee gobolka lagu kordhinayo.

“Xaruntaan oo aad ugu talo gasheen in loogu adeego dadweynaha Gubadley, waxaana idiin ballanqaadeynaa rabitaankiina ah ee Gubadley ay degmo ahaato” ayuu yiri Eng. Yariisow oo sheegay in maamulkiisa uu bilaabayo wadadii loo fulin lahaa rabitaanka shacabka.

Dhinaca kale ku dhawaaqista degmada cusub ee uu maamulka Banaadir ku kordhiyay degmooyinka gobolka oo iminka tiradoodu gaareyso 18-degmo ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka degaanka Garasbaaley uu isna dadaal xoogan ugu jiro in degmo laga dhigo dhulka uu ku fadhiyo degaankaasi Garasbaaley.