Xasan Sheekh Maxamuud” Looma baahnaa in aan adduunyadda ku buuqno”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay qaanuun iyo Sharciga laakiin maanta aysan u baahneyn Shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in bulshadda Soomaaliyeed ay Ogaadaan in aan loo baahneyn in Shaqsiyaad in ay dalka ku qabtaan gacan adag, laakiinse dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Shuruuc adag oo ay ku dhaqmaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan u baahneyn in ay maanta dunida ay ku buuqdo, xilli dad Soomaaliyeed oo badan ay ku sugan yihiin daafaha Caalamka ayna ku jooggaan si sharaf leh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamiya Xisbi siyaasadeed, waxaana Magaalada Muqdisho uu hadda ka waddaa Ololo uu ku ballaarinaayo xisbigiisa.