Qarax goordhow ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa galabta uu Qarax gaari Miinaysan uu ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaan uu ahaa mid lagu soo xiray Gaari uu lahaa Muwaadin Soomaali ah.

Qaraxaan Khasaaraha ka dhashay ayaa ah mid aan weli la xaqiijin, iyadoo qaraxaan uu ahaa nuuca gawaarida lagu dhajiyo lamana oga shaqsiga watay gaarigaasi ee qaraxa loogu soo xiray, waxaan halkaasi tagay Ciidamada Ammaanka.

Dhanka kale waxaa islamarkiiba goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah goob aad u mashquul badan gaaray gaadiidka gurmadka deg dega iyo dabdamisyaal si ololka ka dhashay qaraxaasi ay u damiyaan.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka wadadaasi.