Hubkii Lagu Weeraray Hotelka Dusit D2 Ee Nairobi Oo La Sheegay Inay Lahaayeen Ciiddanka Somalia

Boliska Kenya waxay xaqiijiyeen in 3 ka mid ah 5-tii qoryaha AK 47 ee ay Alshabaab isbuucii hore u adeegsadeen Weerarkaasi yihiin kuwo laga soo iibiyey DFS, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Wargeeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in Ilo-wareed ka tirsan Boliska dalkaasi u sheegeen in Baritaanka hore ee qoryahaasi lagu sameeyey muujinayaan inay la mid yihiin qoryaha ay isticmaalaan Ciiddanka Ammaanka DFS, waa sida hadalka loo dhigay.

Boliska Kenya waxay kaloo sheegeen in saddexdaasai qori ay leeyihiin sumadda SO, taasi oo ay caadi ahaan qoryahaasi u gaar yihiin Ciiddanka Ammaanka Somalia, waa sida uu Wargeyska Nation soo daabacay.

Dhinaca kale, Baaritaankaasi laguma sheegin halka asal ahaan ay Alshabaab ka heleen 2-da qori ee kale ee ay u adeegsadeen Weerarkii ay bishan Janaayo 15-da ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Nairobi.

Sidoo kale, Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay sheegeen inay rumeysan yihiin inay Haweeney Kenyan ah oo aan la shaacinin ay Qoryahaasi si dhuumaalaysi ah ku soo gelisay Kenya.