DFS oo xabsiga dhigtay ajnabi u dhashay UK

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sano jir ah u dhashay UK kaasi oo laba maalin kahor aga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in Antony Thomas loo heysto isku day Qatar gelinta degenaanta guud ee dalka iyo diidamada inuu bixiyo xog ku saabsan qarax la sheegay in lala damacsanaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Maxamkamadda ayaa sheegtay inuu ku eedeysan yahay jebinta Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ninkaan heesta dhalashada Ingiriiska ayaa sabtidii todobaadkaan waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana loo gudbiyay CID maalintii ay soo qabteen Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay inay ururineyso caddeymo la xariira dembiyada lagu soo eedeeyay ninkaan ajnabiga ah, mana jirto ilaa iyo iminka wax hadal ah oo ay soo saartay dowladda Ingiriiska ee uu ninkaasi ka soo jeedo.