Wax ka baro Taariikhda Qaaradda Yurub. (Maxaad ka taqaan Taariikhda Yurub, siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Isbortiga?)

Wax ka baro Taariikhda Qaaradda Yurub.
Qaaradda Yurub waxay ka mid tahay 5 qaaradood ee adduunka loo qeybsho waxaana mara badaha Artik.ga Baasafig,ga, iyo Mediterranean,ka oo ah badda Yurub Afrika ku xirta.
Qaaraddu waxay xaduud la leedahay sidoo kale qaaradda kale ee Asia.
Wadamada qaaradda ku yaala ee madax banaan waxaa ay gaarayaan 50 wadan waxaana ugu dhul weyn ugu dad badan dalka Rushka.


Tiradda dadka reer Yurub waxaa lagu qiyaasaa 741 million oo ruux waxaana qiyaastaan lagu soo bandhigay tirokoob la sameeyay sanadkii 2016,kii.
Taariikhyahanada ayaa aaminsan dalka Gariiga oo wadamada Yurub ka mid ah uu yahay halka ay ka bilaabantay waxa hadda loo yaqaan ilbaxnimada reer galbeedka waana dalka ay kasoo baxeen aqoonyahanada ugu ee cilmiyo badan soo ogaaday.
Ereyo badan oo asalkoodu laga keenay Gariigii hore ayaa illaa iyo hadda maadooyinka cilmiga ah ee la barto loo isticmaalaa.
Qarniyadii 16,aad iyo 20 Wadamo Yurub ku yaala ayaa adduunka saameyn ku yeeshay waxaana ay qabsadeen oo ay gumaysteen dalal ku yaala Afrika iyo Aaasiya Ingiriiska ayaa gumaystay dalal badan oo adduunka ah oo xataa Maraykanku ku jiro.
Yurub dhexdeeya ayaa is gumaystay sida taariikhdu xusto.
Hogaamiyaasha qaaradda soo maray ee qabsaaday inta badan dalalka Yurub waxaa ka mid ah boqorkii Faransiiska ahaa ee la oran jiray Naabooliyaan Boonaberte oo xukunkiisu soo gaaray qarnigii 17,aad.
Waayihii kacaanka warshadahana dawlado isbahaystay ayaa aad ugu loolamay awooda dunnida waxaana ka mid ah midawgii Soofiyeetka oo Rushku hormuud u ahaa hase ahaate burburay dhamaadka dagaalkii qaboobaa. Ee adduunka bishii December sanadkii 1991.
Intii uu socday dagaalkii qaboobaa Yurub waa ay kala qeybsantay waxaana dhacdooyinka la xasuusto ka mid ah dalka Jarmalka oo labo dal noqday caasimada Baarliina waxaa laga dhisay darbi weyn oo labada dal kala qeybiya.

Dabrigaas waxaa la dumiyay 1992 markaasoo Jarmalku midoobay.
Dagaalkii koowaad ee dunnida si weyn ayuu qaaradda u saameeyay waxaana ku dhintay 16 million oo ruux oo askar iyo shacabba iskugu jira.
Qiyaastii 60 million oo askari ayaa la aaminsanyahay inay ka qeyb galeen dagaalkii 1,aad ee adduunka oo socday intii u dhaxaysay 1914 illaa iyo 1918.
Hogaamiyaasha waqtiga dhexe ee qaaradda soo maray sida weyn loo xasuusto waxaa ka mid ah Bennito Musalinigii Talyaaniga, Adolof Hitler Josaf Istalin iyo Mustafa Atataturki oo dalka Turkiga xukumayay.
Hadda dawladaha ugu badan ee qaaradda ku yaala waxay ku jiraan ururka gaashaanbuurta NATO oo ay xaruntiisuba tahay magaalada Baraasalis ee dalka Biljimka.
Sidoo kale hadda dawladaha qaaradda ku yaala badankood waxay ku midaysan yihiin urur la yirahdo Midawga Yurub kaasoo ay ku jiraan 28 wadan waxaana xarun u ah magaalada Baraasalis.
Dawladaha ku jira ururka waxay wadaagaan lacag baasaboor iyo dhaqaale mid ah waxaana ay leeyihiin baarlamaan iyo hogaan go’aamiya siyaasadda ururka.
Lacagta ay dawladahaan isticmaalaan oo Yuuroo la yiraahdo waa ay ka qiimo badan tahay Dollarka Maraykanka.
Waa lacagta labaad ee adduunka oo dhan laga isticmaalo waxaana ka horeeya Dollarka Maraykanka oo kaliya.
Qiyaas la sameeyay sanadkii sanadkii 2018 lacagta Yuurooga waxaa adeegsaday 240 million oo ruux.
In ka badan 1.2 trilion oo lacagta Yuurooga ah ayaa la isticmaalay sanadkii naga dhamaaday ee 2018
Magaalooyinka ugu waa weyn uguna dadka badan ee qaaradda ku yaala waxaa ka mid ah Istanbul, London, Moscow, Paris, Berlin, Roma Madrid oo ay ku nool yihiin tobonaan milyan oo qof.
Xagga dhaqaalaha haddii aan eegnana qaaradda Yurub waxaa loo aqoonsanyahay halka adduunka ugu dhaqaalaha badan adduunka oo dhan.
Yurub waa halka ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee soo galootiga loo yaqaan ama tahriiba waxaana hay’adda la socota dadka tahriibayaasha ah ay sheegtay inay Yurub hooy u noqotay 70.6 million oo ruux.
Dawladaha Yurub ayaa soo dhaweeya oo siiya waxbarasho iyo shaqo dadka tahriibka ku gala dalalkaas kadib safarp dhib badan oo ay maraan.
Dalalkii ugu horeeyay ee dadka soo dhaweeya waxaa ka mid ah Spain iyo Boqortiiska qarnigii 16,aad.
Soomaalida oo ka mid ah dadyawga ku nool Yurub wadamada ugu badan ee ay degenyihiin waxaa ka mid ah United Kingdom oo Soomaalida degan lagu qiyaaso: 98,000 qiimayntaasna waxaa la sameeyay sanadkii2016 Sweden oo ay ku nool yihiin 66,369 sida la ogaaday 2016 Norway waxaa ku degen 43,196 Netherlands waxaa ku nool : 39,465 Germany oo ay ku degen yihiin 38,675 Denmark 21,050 (oo qof oo Soomaali ah ayaa ku nool Finland oo tirada dadka Soomaalida ah lagu qiyaasay 20,007 qiyaastaas waxaa la sameeyay sanadkii 2017.
Xagga luuqadaha haddii aan eegnana qaaradda Yurub waxaa looga hadlaa 225 Af oo asali ah qaarkodna ay u noqonayaan qarniyo hore.
Luuqadaha ugu faca weynse waxaa ka mid Romanka iyo Afka Jarmalka oo la aaminsanyahay in lagu hadli jiray intii u dhaxaysay qarniyadii 3,aad iyo 8,aad.
Hadda luuqadda dadka ugu badan ay ku hadlaan waxaa la yiraahda Slafik waxaana looga hadlaa dalal ku yaala bartamaha, bariga iyo koofurta Yurub.
Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo luuqado kale ayaa sidoo kale ka mid ah afafka qaaradda looga hadlo.
Xagga dhaqanka dal walba dadkiisu waxay leeyihiin dhaqan u gooni ah waxaana hadba is raaca dalalka ay asalkoodu is leeyihiin.
Diinta marka aan eegnana dadka reer Yurub badankood waa Masiixiyiin waxaana dadka haysta kirishtaanka lagu qiyaasaa 76% Islamkuna waxaa uu ka yahay diinta labaad.
Islamku waxaa la aaminsanyahay inuu qaaradda Yurub gaaray qarnigii 8,aad waxaana dhulkii ugu horeeyay ee gaaray ay ku yaalaan koofurta Yurub.
Spain oo mar loo aqoon jiray Hasbania ayaa ka mid ah meelihii ugu horeeyay ee Islaamku gaaray marka Yurub loo eego waxaana dhulkaas Muslimiintu u taqaan Al-Andalus.
Wadamada Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin ama haddii aan si kale u dhaho dadkoodu Muslimiin u badan yihiin waxaa ka mid ah Albania, Kosovo, Bosnia ,Herzegovina. Turkey, Azerbaijan iyo Kazakhstan.
Qiyaastii in ka badan 40 million oo ruux oo Mulimiin ah ayaa Yurub ku nool waxaana la saadaalinayaa in marka la gaaro 2030 ay bataan Muslimiinta Yurub.
Dalal badan oo Yurub ku yaala waxaa dood badani ka taagan tahay labiska ay xirtaan dumarka Muslimiinta sida xijaabka iyo indhoshareerka waxaana jira dalal laga mamnuucay xirashada Indhoshareerka.
Cayaaraha haddaan eegnana qaaradda waa meel aad looga xiiseeyo cayaaraha kubbadda cagta waxaana koobka adduunka ee FIFA qabato ku guulaystay 5 wadan oo qaaradda ku yaala waxaana ka mid ah Jarmalka Talyaaniga, Faransiiska Spain iyo Ingiriiska oo min hal mar qaaday.
Sidoo kale waxaa jira koob u gooniya Yurub oo la yiraahdo Euro waxaana ku tartamaya xulalka qaranka qaaradda wadamada Yurub waxaana la qabtaa 4 sannaba mar.
Dalalka ugu badan ee koobkaan qaadayna waxaa ka mid ah Jarmalka iyo Spain oo min 3 jeer ku guulaystay waxaana ku xiga Faransiiska oo 2 jeer qaaday.
Horyaalka labaad ee aad loo xiiseeyo ee qaaradda laga cayaaro waa UEFA Champions League oo ay ku tartamaan kooxaha kubbadda cagta ee dalalka Yurub.
Horyaalkaan oo lasoo bilaabay sanadkii 1955 kooxda ugu badan ee ku guulaysatay waa Real-Madrid oo ka dhisan dalka Spain oo koobkaan ku guulaystay 13 jeer sidoo kale kooxaha Spain ayaa ugu badan oo koobkaan haysta waxaana ku xiga kooxaha ka aas aasan Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ku guulaystay mid 12 jeer
Kooxda kubbadda cagta Real Madrid ayaa loo aqoonsanyahay inay tahay kooxda kaliya ee horyaal ku guulaysatay Sadex jeer oo isku xigta ku guulaysata.
Qaaradda waxaa sidoo kale laga cayaaraa koobab wadamada u gaar ah kuwaasoo aad dunnida looga xiiseeyo waxaana ka mid ah horyaalka Ingiriiska Premier League, kan Talyaaniga ee Serie A, Jarmalka horyaalkiisa oo la yiraahdo Bundesliga iyo kan Faransiiska oo la yiraahdo Ligue 1. Iyo horyaalo kale oo kan Turkigu ka mid yahay.
Cayaaro kale oo ay ka mid yihiin Rugbiga, basketka, golofka Tenniska tartamada baabuurta mootooyinka, baaskiiladda iyo cayaaraha barafka ayaa qaaradda aad looga xiiseeyaa looga daawadaa.
Cayaaro dhaqameedka qaaradda aad caanka uga ahse waa cayaarta dibbida lala dagaalamo oo laga cayaaro dalka Spain.

W/soo ururshay oo tarjumay Burhaan Diini Faarax.

E-mail: burhandiini@gmail.com