Sheekh Kenyawi oo war cusub ka soo saaray booqashadiisa Muqdisho

Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim (Kenyawi) ayaa soo saaray war cusub oo ku saabsan socdaalkiisa magaalada Muqdisho, isagoona Jimcihii la oo dhaafay muxaadaro u jeediyay kumanaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir, wuxuuna ka warbixiyay qorshe hor leh oo ku dhaqaaqayo maalmaha soo socda.

Waxa uu sheegay Sheekh Kenyawi in mar haddii uu la kulmay bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay ka aqbaleen dalabkiisa ah inay is cafiyaan qof dadka wax kala tabanaya uu go’aansaday inuu kulamo la yeeshay madaxda sare ee hoggaamineysa Dowladda Federaalka ay yihiin mas’uul ka yihiin dalka iyo dadka.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaan u tegay, waxaana na dhex maray kulan socday muddo 20-daqiiqo ah, waxaana kala hadlayay mas’uuliyadda ay qaadeen oo ay u dhaarteen ay ka dhabeeyaan” ayuu yiri Sheekh Maxamed Kenyawi oo sheegay in dadka la doortay ay yihiin kuwo cilmi leh.

Sheekha ayaa sheegay inuusan Xamar ka laabaneynin isagoo aan booqan gobolada dalka qaarkood, wuxuuna sheegay inuu tegay gobolada Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoona sheegay inuu qabanayo muxaadarooyin ciwaanadooda ay ka mid yihiin: Ha dilin walaalkaa iyo Ha dulmin walaakaa.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Kenyawi ayaa sheegay inuu la kulmayo dhammaanba siyaasiyiinta iyo madaxda muxaafid iyo mucaaradba, wuxuuna tilmaamay inuu kala hadlayo sidii ay isku cafin lahaayeen isla markaana uga shaqeyn lahaayeen danaha shacabka Soomaaliyeed.