Dood Kusaabsan Horumarinta Adeegyada Caafimaad ee Dalka.

Dallada Jilayaasha Aan Dowliga ahayn ee Soomaaliyeed(SONSA) iyo Xarunta Talo soo Jeedinta Soomaaliyeed ayaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 21 bisha Jannaayo ku qabtay kulan Dood Qaran oo looga dooday horumarinta adeegyada iyo kaabaysaaha caafimaad ee Dalka.

Kulanka waxaa uu ka dhacay Hotel Makkah Almukarama , Magaalada Muqdisho , waxaana kasoo qayb galay xubno gaaraya 100 , kuwaas oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Uurada Bulshada sida, Culumada, Dhaqaatiirta, Haweenka , Aqoonyahanno iyo bahda saxaafada. Sidoo kale kulanka waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin iyo madax uu kamid yahay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Gudoomiyaha Dallada SONSA Mudane Cusmaan Muxyidiin-Shaatax oo goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyay kasoo qayb galyaasha waqtigooda qaaliga oo ay kusoo baxshaan si ay uga qayb galaan dooda, aragtiyana ka dhiibtaan. Shaatax ayaa tilmaamay in fursadahaan oo kale ay yihiin kuwo qaaliya maadaama Bulshadu inta badan aysan helin fursado ay isku dhaafsan karaan aragtiyadooda iyo soo jeedintooda ku aadan arimaha saameynta ku leh masiirka noloshooda. Gudoomiye Shaatax ayaa xusay in uu jiro sharci ku saabsan arimaha caafimaadka oo ay ansixyeen Golaha Baarlamaanka , hadana horyaala Aqalka Sare, sharcigaas oo loo baahanyahay in Aqalka Sare dadajiyo.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka jaawabayay su’aal ku saabsan hubin la’aanta cuntooyinka iyo waxyaabha kale ee la keeno wadanka ayaa tilmaamay xusay in uu jiri sharciga hubinta tayada Badeecadaha oo ay Wasaaradu diyaarisay iyadoo kaashanaysa qubaro aqoon dheer u leh. Sharcigaas oo mudo lix bilood ah horyaala Golaha wasaiirada. Mudane Maareeye waxaa uu xusay in waajibkii laga rabay Wasaaradu ay kasoo baxday laakiin looga baahnayhay Golaha wasiirada in ay ansixiyaan.

Gaba gabada kulanka , waxaa kasoo baxay qodobada hoos ku xusan:
 Dallada SONSA oo ay ku mideysanyihhin inta badan Ururada Bulshada, Xirfadleyda, Aqoonyahanada iyo Ganacsada in ay kaalin wayn ka qaadato dar-dargalinta iyo u doodista wax ka qabashada arimaha saameynta culus kuleh bulshada Soomaaliyeed.
 Ururka Dhaqaatiirta oo kamid ah Dallada SONSA in uu isku xil qaamo isagoo kaashanaya xafiiska dhexe ee Dallada sidii loo dhaqaajin lahaa sharciga golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka , kaas oo ah sharci lagu dhaqaayo, lagu shaqo siinayo, lagu abaalmarinayo , laguna ciqaabayo dhammaan Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka. Sharcigaas oo ay horay u ansixiyeen Golaha Sahacabka, hadana horyaala Aqalka Sare.
 SONSA waxaa laga doonayaa in ay abaabusho kulan dhexmara Urura Dhaqaatiirta iyo Golaha Aqalka sare si loo dar dargaliyo ansixinta sharciga horyaala Golaha.
 Dallada SONSA in ay qayb wayn ka qaadato dar dargalinta hindise sharciyeedka hubinta tayada Badeecadaha oo ay Wasaarada Ganacsiga hor gaysay Golaha Wasiirada , kaas oo in mudaa horyaala Golaha.