Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka soconaayo Jubbooyinka

Iyadoo dhawaanahanba Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe uu ku guda jiray kormeer uu ku tagayey goobaha ay ku sugan yihiin xiicdamada gaarka ah ee jubabland iyo kuwa dowladda dhexe ee soomaaliya isla markaana hogaamiyaha jubaland uu dhoor mar ku dhawaaqay in uu bilaabanayo howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro Gobolka Jubada Dhaxe oo guud ahaan gacanta ugu jira Al Shabaab.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo is garabsanaya ayaa ku jira diyaar garow duulaan ay ku qaadaan deegaano iyo degmooyin Al Shabaab ka maamulaan gobolka Jubada Dhaxe.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa hada ku diyaarsan xeryo ciidan oo la isugu geeyay, waxaana la filayaa in ciidankan bilaabaan howlgalka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay in ciidanka Milatariga diyaar u yahay duulaan lagu qaado Shabaabka ku sugan Jubada Dhaxe gaar ahaan Bu’aalle.

Waxa uu sheegay taliyaha ujeedka howlgalkoodu in uu yahay in Al Shabaab laga saaro gobolka Jubada Dhaxe gaar ahaan xarunta gobolkaasi ee Bu’aalle, waxa uuna xusay in ciidanka Milatariga hada kusii dhawaanayaan Bu’aalle.